Skydda dig online. Se hur du rensar din internethistorik. × Lämna sidan snabbt
$left
$middle

Taageero loogu talagalay qofka adigoo kale ah oo fal dambiyeed loo geystay

Xarunta dhibaneyaasha dambifallada iyo dhexdhexaadinta, waxaa laga helaa taageero wadahadal ku salaysan iyo dib u habaynta qalalaashaha, kuwaasoo loogu talagalay qofka adigoo kale ah oo fal dambiyeed loo geystay, markhaati ka ahaa dhacdada fal dambiyeedka, ama ah qaraabada qof fal dambiyeed loo geystay. Si kastaba ha ahaate waad noola soo xiriiri kartaa iyadoo fiirogaar aan la siin haddii ciidanka booliska aad wargelisay iyo in kale. Aqoonsigaaga waad qarin kartaa.

Waxaa nalaga helaa

  • taageerada loogu talagalay dadka fal dambiyeed loo geystay, kaasoo faleha u yahay qof qaraabo ama qof aan la garanayn
  • taageerada markhaatiyaasha iyo qaraabada loogu talagalay
  • maaraynta degdegga ee qalalaashaha iyo dib u habayntooda kuwaasoo ku salaysan xiriir wadahadal oo gaagaaban
  • wadahadal ku saabsan halista iyo is ilaalinta
  • warbixin ku saabsan taageerada xilliga cadaalada
  • hagid iyo caawinaad xiriir la leh sidii xiriir loola yeelan lahaa hay´adaha maamula arrimaha dhibaneyaasha dambifaleyaasha
  • talo iyo taageero xiriir la leh macnaha wargelinta ciidanka booliska.

In siyaabo kala duwan looga falceliyo

Dhibanaha fal dambiyeedka wuxuu caadi ahaan la kulma dhibaatooyin, sida tusaale hurdo la`aan, hoos u dhaca rabitaanka cuntada, ama in u dareemo dareen amni la`aan iyo cabsi. Dadka oo idil siyaabo kala duwan ayay u fal celiyaan, laakinse falcelis kasta waa caadi. Anagu heegan ayaa ku nahay in aan ku caawinno iyadoo fiirogaar aan la siinin qaabka falcelintaada.

Nala soo xiriir

Centrum för brottsutsatta och medling

E-mail: brottsutsatt.asf@malmo.se
Tal: 040-34 92 92
Saacadaha taleefan soo dirida:
Isniin, arbaco, khamiis iyo jimce, saacadaha 09.00–16.00. Talaado, saacadaha 09.00–18.00. Qado darteed ayaa saacadaha 12.00–13.00 loo xira. Saacadaha kale, la xiriir heeganka arrimaha bulshada social jour tal 040–34 56 78. Haddii xaaladda ay daran tahay la xiriir ciidanka booliska.

so