Haddii ay kula soo gudboonaatay dhacdo halis ah

Dadka badankiisa ayay mar uun dhibaato la soo gudboonaataa. Sida uu qofku u dhaqmo xilligaa iyo inta ay dhibaatada socoto ayaa kala duwan marka loo eego qof kasta. Khibradda uu qofku horey u lahaa ayaa micne u sameyneysa siduu qofku u arko una maareeyo dhibaatooyinka soo food saarta. Dhibaatada ayaa ah falcelin caadi ah oo ka timaada xaaladda adag. Waxaa muhima inaad la socoto inaysan jirin falcelin saxa ama khalada, sababtuna waa dadkoo kala duwan. Kaligaa ma tihid waxan jira gargaar aad heli karto.

Xaaladaha deg dega

Xaaladaha deg dega, wac 112 markuu caafimaadkaadu aad u xumaado, ama aad isku aragto fikrado inaad is disho ama qorshooyin is dil. Sidoo kale wac 112 hadduu qof kugu dhow caafimaad darro la kulmo taasoo keeni karta inuu halis ugu jiro inuu is dhaawaco isaga ama qof kale dhaawac u geysto.