$left
$middle

Warbixin ku saabsan adeega walaxyo suubinta iyo internetka (Somali)

Adeega walaxyo suubinta iyo internetka waxaa loogu talagalay adiga ku nool guryaha caadiga buuxiyay 69 sano.

Adeega walaxyo suubinta

Adeega walaxyo suubinta waa adeeg qofka gurigiisa loogu imaan oo waxa uu dooni loo suubin sidii loo nusqaamiyo iyo looga hortago halista inuu qofka meel ka soo dhaco. Guriga waxaa lagu suubin kormeerid oo waxaa la qori meelaha ficil halis sabab u noqonkaro iyo tilaabo baa laga qaadi. Adeega waa bilaash, laakin wixii qalab loo baahanyahay sidii hoowsha laguugu qabankaro waa inaa adiga keentid iyo soo iibisid. Adeega waxaa laguu suubin maalmaha shaqada. Anaga ma suubino shaqo aan aqoonteeda laheen.

Tusaale oo waxyaabaha lagaa caawinkaro:

  • Fiilooyinka korontada meel lagu dhagiyo iyo roog aan lagu silbaxankarin.
  • In laguu badalo baatari, fiyuus iyo nal.
  • Daah laguu xiro/soo furo, kuwa wareegsan, sabuuradaha darbiyada la surto iyo qalabka digniinta dabka.
  • Lagaaga soo qaado ama laguu geeyo waxyaalo fudud maqaasiinkaada ama qolka aad alaabta ku keedsatid.

Waxyaabaha eysan suubin shaqaalaha adeega walaxyada:

  • Adeeg iyo/ama daryeel xannaano oo kamid ah howsha shaqaalaha adeega guri ku daryeelida [hemtjänst].
  • Howsha shaqaalaha farshaxan yaqaanka.
  • Baraf xaaqid.
  • Daryeelid jardiin.
  • Daaqad nadiifin.

Nabadgelyo iyo ammaan

Shaqaalaha adeega waxyaalo suubinta iyo internetka waxaa waajib ku ah sharci sir dhowrida sida sharciga ku qoran. Dadka adiga guriga kuugu imaan waa iney ku tusan kaarka aqoonsiga oo leh sawir oo degmada Malmö. Waa in koow wakhti ballan la suubshaa oo laguu sii sheegaa xilliga ey kuu imaan. Adiga marnaba ha siin magacyada iyo lambarada sirta aad isticmaashi oo adiga qaaska kuu ah shaqaalaha adeega waxyaalo suubinta ama internetka/kombiyuutarka.

Aragti iyo la soo xiriirid

Fadlan nala soo xiriir iyo noo soo gudbi talo iyo fikrado sii fiicneysiinkaro adeega aan suubino. Fadlan la soo xiriir shaqaalaha ku shaqo leh howsha waxyaalo suubinta iyo internetka.

Shaqaalaha midkasto wuxuu mas'uul ka yahay xafaad laakin xilliyada fasaxa iyo xilliyada shaqaalo maqanyahay shaqaalaha kale baa howsha sii wadi.

Saacadaha telefoonka oo shaqaalaha waxyaalo suubinta 8:00-09:00 dhammaan maalmaha shaqada.

Xaafada: Norr iyo Oxie
Shaqaale: Peter Boman
Tel: 0708–68 03 25
E-mailka: peter.boman@malmo.se

Xaafada: Innerstaden iyo Fosie
Shaqaale: Katarina Hvass
Tel: 0709–71 83 67
E-mailka: katarina.hvass@malmo.se

Xaafada: Öster
Shaqaale: Samir Hajrula
Tel: 0768–82 06 25
E-mailka: samir.hajrula@malmo.se

Xaafada: Väster/Limhamn-Bunkeflo
Shaqaale: Erik Möller
Tel: 0768–52 78 41
E-mailka: erik.moller@malmo.se

Xaafada: Väster/Hyllie
Shaqaale: Mats Hansson
Tel: 0709–70 60 26
E-mailka: mats.hansson3@malmo.se

Shaqaalaha suubinta internetka

Shaqaalaha suubinta internetka waxey kaa caawin waxyaabaha fudud oo internetka iyo farsamo kombiyuutar. Guriga baa laguugu imaan oo si bilaash laguugu caawin. Wixii qalab aad u baahantahay adiga baa keensaneysid iyo soo iibsaneysid.

Shaqaalaha suubinta internetka waxey kaa caawinkaran soo dejinta barnaamishyada kombiyuutarka iyo internetka loo isticmaalo, iyo kuwa social media, oo tusaale ahaan:

  • Talo bixin kuwa ku fiican bulsho wado xiriirida tusaale ahaan kuwa markii la wada hadli la is arkaayo.
  • Talo bixin oo adeegyada bulshada heli karan internet ahaan, sida tusaale ahaan Talo bixinta daryeelka 1177.
  • Caawinad oo soo dejisan iyo bilaawdid inaa isticmaashid barnaamishyada mobiilka, kombiyuutarka gacanta iyo TViga.
  • Soo dejisanta iyo isticmaalida Chromecast, Apple-TV ama wixii lamid ah.

Sidey shaqaalaha internetka kuu caawinkaran adiga waa inaa guriga ku haysataa qalabka loo baahanyahay, qadka internetka iyo cinwaan e-mail oo adiga iska leedahay.

Shaqaalaha internetka makuu qabankaran howl ubaahan aqoon qaas sida shaqaalaha farsamada dhisida iyo cilad raadinta internetka, suubinta kombiyuutar haleysan ama barnaamish haleysan.

Shaqaalaha internetka makuu qabankaran adeeg aad ka iibsatay shirkada internetka, telefoonka ama qadka internetka.

Shaqaalaha internetka makaa caawinaayan howl internet oo adiga diyaar u eheen inaa baratid iyo isticmaashid, oo shaqaalaha waxey kaliya ku caawin sidaa u bilaawdid isticmaalida iyo markas kadib adiga baa isku filnaaneysid.

Xilliga xagaaga wuu xiranyahay

Shaqaalaha adeega caawinada internetka wax howl ma qabanaayan inta u dhaxeyso 15 juun ilaa 15 ogost.

Xaafada: hela Malmö
Shaqaalaha suubinta internetka: Peter Boman
Tel: 0734–12 24 60
Saacadaha telefoonka: 8:00–09:00 dhammaan maalmaha shaqada
E-mailka: peter.boman@malmo.se

Kontakta oss

Hälsa-, vård- och omsorgsförvaltningen

E-post:
hvo@malmo.se
Telefon:
040-34 10 00
Telefontider:
Vardagar klockan 08.00–17.00

Funktionsstödsförvaltningen

E-post:
fsf@malmo.se
Telefontider:
Måndag–fredag klockan 08.00–12.15 och 12.45–16.00
so