Dhakhso! Dhakhso! Nagu salaan/u sheeg dadka oo dhan!
Ku soo dhawow maalinta qoyska oo calaamad u ah caafimaadka. Nooca 2aad ee cudurka macaanku waa cudur aad u badan. Waxaa jira wax badan oo aad adigu naftaada u samayn karto si aad u caafimaado. Kaalay oo nala kulan annaga oo ka kala socona degmada iyo rugta daryeelka caafimaadka si aanu kuugu sheegno wax badan!
23 sibteembar markay saacadu tahay, 11-14
Rosengårdsskolan, von Rosens väg 43
GELITAANKU WAA BILAASH LOOMANA BAAHNA IN LA SOO SHEEGO.
- Madadaalo muusiga leh
- Dhadhami cunto macaan oo caafimaad leh jaranjarada Yalla (Yallatrappa)
- Buuggaag kor loo akhriyayo iyo kooxda kubbadda cagta ee FC Rosengård
- Carruurta oo laga yaabiyo (överraskningar)
Nooca 2aad ee cudurka macaanku - sida uu u shaqeeyo
Kalkaalisada cudurka macaanka Tanja Markestål ayaa ka jawaabaysa su'aalo.
Waa maxay nooca 2aad ee cudurka macaanku?
– Nooca 2aad ee cudurka macaanka macnahiisu waxa weeye in sonkorta dhiigu ay kor ugu kacdo sababtoo ah jirka ayaa noqonaya mid aan dareemin insulinta. Insulintu waa hormoono ama dheecaano nidaamiya sonkorta dhiigga. Cudurku si tartiib tartiib ah ayuu u koraa, taasoo ka dhigaysa in astaamaha cudurku aanay si fiican u muuqan . Daal, haraadka oo bata iyo kaadi joogtada ah ayaa noqon kara calaamadaha nooca 2aad ee cudurka macaanka. Heerarka sonkorta dhiiga oo badataa waxay mustaqbalka dambe qofka ku keeni kartaa cilado, tusaale ahaan, indhaha iyo wadnaha.
Qofku ma samayn karaa wax uu kaga hortago cudurka?
– Waxa jira arrimo adag oo la xiriira qofka oo cudurka dhaxala iyo qaab nololeedka uu qofku u nool yahay labadaba. Qaab nololeedka qofka ayaa naftiisa saameyn ku yeelan kara oo markaas hoos u dhigi kara khatarta ah inuu qofku jirrado. Waxaan inta badan ku talinayaa inuu qofku ku bilaabo isbbedelo yaryar. Haddii aanad haba yaraatee ahayn qof firfircoonayn, ku billow inaad lugayso 10 daqiiqo maalin kasta. Inuu qofku jir ahaan firfircoonaado nolol maalmeedkiisa ayaa ugu muhiimsan, fadhiga badana inooma fiicna innaga. Marka ay noqoto dhinaca cuntada, diirada saar cunista cuntooyinka nafaqada leh ee aad jeceshahay. Alaabooyinka sonkorta leh sida keega/doolshaha, macmacaanka iyo jalaatada wuu ka maarmi karaa jirku. U fiiri si guud oo raadso dheelitirka noloshaada si aad u caafimaado sida ugu wanaagsan ee suurtogalka ah. Walwalka, istareeska/cadaadiska iyo hurdada oo kugu adkaata waxay kor u qaadi karaan heerka istareeska hormoonnada, taas oo kor u qaada khatar ah inuu qofku jirrado. Dad badan ayaa ilaawa qaybtaas oo waxay u malaynayaan inay u baahan yihiin inay beddelaan cuntadooda iyo caadooyinka jimicsigaaga oo keliya.
Muxuu qofku ka fekerayaa haddii uu qabo nooca 2aad ee cudurka macaanka?
– Baadhitaanno joogto ah oo lala yeesho dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha cudurka macaanka ayaa muhiim ah. Daawaynta nooca 2aad ee cudurka macaanku waa dawooyin uu qofku qaato iyo hab nololeed caado wanaagsan ah. Si aad u caafimaado, oo aad sidoo kale isaga ilaaliso cudurrada kale ee la socda cudurka, labaduba waa isku mid oo waa muhiim. Haddii aad u baahan tahay inaad isbbedel samayso, ka bilow kuwa dareemayso inaad maarayn karto. Ka bilow nooc ka mid ah dhaqdhaqaaqa jirka, sida jaranjarooyinka oo aad raacdo halkii aad wiishka ka raaci lahayd. Cun cunto caafimaad iyo dhadhan fiicanba leh. Bal u fiirso caafimaadkaaga wanaagsan oo ku dadaal qaab-nololeed dheellitiran oo kugu habboon oo adiga kugu wanaagsan.
Soo koobidda talada Tanja
- La xidhiidh rugtaada daryeelka caafimaadka haddii aad ka welwelsan tahay inaad jirrato ama aad leedahay calaamado muujin kara nooca 2aad ee cudurka macaanka.
- Cuntada, dhaqdhaqaaqka jirka, caadooyinka hurdada oo wanaagsan iyo fayoobida maskaxdaada ayaa dhamaantood ah dhagtaanta muhiimka ah ee dhismaya oo ka hortegeya nooca 2aad ee cudurka macaanka.
- Ku bilow isbbedelada yaryar ee aad xamili karto.
- Cun cunto wanaagsan oo nafaqo leh. Iska yaree cuntada sonkorta leh, cun waxyaabaha qadamida laga sameeyey, kalluunka iyo xayawaanka badda ee qolofta leh, khudaarta cagaaran iyo khudaarta miraha ah, misirta, digirta iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyey ee dufanku ku yar yahay. Isticmaal saliid saytuunta iyo saliida la yiraahdo rapsolja .
- Kordhi dhaqdhaqaaqyadaada jireed. Waxyar oo isbeddel ah ayaa ku filan inuu isbeddel yimaado. Socod 10 daqiiqo ah ayaa ka fiican wax la’aanta.
- Raadso dheelitir ku saabsan noloshaada halkaa oo aad gebi ahaanba caafimaad wanaagsan ka dareemi karto. Haddii ay taasi kugu adag tahay - la xiriir rugtaada daryeelka caafimaadka si aad u hesho taageero iyo caawimo.
Malmö waxay ururinaysaa awooda lagaga hortegayo nooca 2aad ee cudurka macaanka
Nooca 2aad ee cudurka macaanka ayaa si aad ah ugu soo badanaya caalamka, magaalada Malmöna tirada dadka uu ku dhacay ayaa laba jibaar noqotay siddeed sano gudahood. Si loo helo tallaabooyin lagu wajihi karo caqabadaha, magaalada Malmö waxay ku biirtay (Cities Changing Diabetes) CCD, isbahaysiga aqoonta magaalooyinka kale, jaamacadda Malmö, Novo Nordisk iyo Gobolka Skåne.