$left
$middle

Iskuulka hidaha iyo dhaqanka

La kulan saaxibo cusub, waxyaabo cusub baro iyo xilli farxad leh qaado! Akhriso warbixin oo sababta ey u fiicantahay inaa dhigatid iskuulka hidaha iyo dhaqanka.

La kulan saaxibo cusub


Ma dooneysaa inaa la kulantid saaxibo cusub iyo isla markasna ku fiicnaatid waxyaabaha aad jeceshahay. Ma dooneysid inaa ku fiicnaatid streetdance, filim suubin, isticmaalida qalabka muusiga ama suubinta muusiga digitaalka? Iskuulka hidaha iyo dhaqanka waxaa ka heli koorso tiradooda ka badan tahay 50, iyo waxaa kuu sii dheer dhaqdhaqaaqyo kale oo la suubiyo maalmaha fasaxa iyo xiliiyada fasaxa oo wax lacag ma bixineysid. Waxyaabahan oo dhan waxaa la suubin saacadaha iskuulka kadib.

Waa bilaash oo lacag ma bixineysid xilliyada fasaxa

Dhaqdhaqaaqyada aan suubino oo bilaashka ah waa fursad fiican aad ku tijaabinkartid waxyaabaha aan kuu hayno. Waxyaabaha aan kuu hayno waxey ku xirantahay xilliga fasaxa markas la joogo, oo tusaale ahaan waxey ahaan karta game kombiyuutar, tijaabisid riwaayad, turumbada la afuufo, hees qortid ama kartoon sawirtid.

Raadi koorsooyinka

Waxaan kuu haynaa koorsooyin anfaci qofka biloowga ah iyo koorsooyin anfaci adiga aqoon leh. Dhammaan dadka jiro 7 ilaa 19 baa soo dalbankaro, iyo kooxyada waxbarashada isla dhigan waan isku waafajin ilaa intii suurtagal ah.
Koorsooyinka muddo dheer socon qiimahooda kharashkooda waa 300 kr lixdii bilood iyo waxaa la bilaaba dayrta. Qalabka muusiga waa deynsankarta oo waxaa bixin 200 kr lixdii bilood.
Ha iloobin in saf dheer loogu jiro koorsooyinka qaarkood, oo sidaas daraadeed haddii aad dooneysid kuwas midkood hadaba soo dalbo.

Saaxiibada noloshaada

Haddii aan nahay Iskuulka hidaha iyo dhaqanka isku mid bey noo tahay haddii aad ku riyooneysid inaa fanaan noqotid ama kaliya aad raadineysid inaa qaadatid wakhti farxad leh. Iyo waxbarasho kaliya ma heleysid inta aad kamid tahay iskuulka hidaha iyo dhaqanka oo waxaa suurtagal noqon xita inaa heshid saaxibo cusub iyo xiriir cusub.
Soo gal bogga internetkeena iyo fiiri waxa aad helidoontid!
Wada kulan wanaagsan!

Warbixin kooban

Yee quseysaa?

Dhammaan carruurta iyo dhallinyarada jiro 7 ilaa 19 sano oo ku nool Malmö.

Halkee?

Koorsooyinka inta ugu badan waxaa lagu dhigaa Friisgatan 15B. Laakin anaga waxaa koorsooyin xita ku dhignaa dhowr iskuul oo ku yaal Malmö.

Kharashka waa imisa?

  • Kharashka koorsada waa 300 kr lixdii bilood.
  • Qalabka muusiga waxaa lagu deynsan 200 kr lixdii bilood.
  • Dhaqdhaqaaqyada la suubsho xilliyada fasaxa waa bilaash.

Kharashka maxaa ku heli?

Dhammaan qalabka waxbarashada koorsada laakin maya qalabka muusiga, qoraal muusiga iyo dharka qoob ka ciyaarida. Qalabka muusiga inta ugu badan waxaa ku deynsan kharash 200 kr lixdii bilood.

Maamulka xafiiska hidaha iyo dhaqanka waxey mas’uul ka yahiin howsha markey noqoto carruurta iyo dhallinyarada barashada hidaha iyo dhaqanka iyo iney suubiyaan farshaxaa, ilaa soo bandhigida show caalami, arrimaha diwaangalinta, matxafyada degmada iyo maktabada iyo kaalmo siin ururada hidaha iyo dhaqanka.

Kontakta oss

Malmö Kulturskola

Telefon:
040-34 48 00
Telefontider:
Måndag–torsdag klockan 09.00–11.00 och 18.00–20.00. Fredag klockan 10.00–12.00.
so