Ku saabsan dugsiga xannaanadda – af-soomaali
Su`aallo iyo jawaabtooda kuwaasoo ku saabsan dugsiga xannaanadda
Filin: Dugsiga xannaanada waxaa loogu talagalay ilmahaaga (wakhtiga 5:05 daqiiqo) (Skolverket)
Sideebey tahay in la dhigto dugsi xannaano, muxuuse ubadkaagu halkaas ka baran karaa? Filinkan, waxaan hal maalin oo caadi ah kula socon doonnaa Amiir inta uu ku dugsiga xannaanada ku suganyahay. Filinkan waxaa loogu talagalay waaliddiinta ilmahoodu xannaanada billaabi doonaan, oona weli xiriir la yeelan goobaha xannaanadda ee dalka Iswiidhan. Halkan waxaad ka aqrisan kartaa jawaabta su`aalaha ugu caadiyeeysan ee goobaha xannaanada ku saabsan.
Su`aallo iyo jawaabtooda kuwaasoo ku saabsan dugsiga xannaanadda
Ma qasab baa in dhammaan ilmaha ay tagaan dugsiga xannaanadda?
Maya, tegista dugsiga xannaanadda waa ikhtiyari, laakiin ilmaha badidooda ee ku nool dalka Iswiidan waxay tagaan dugsiga xannaanadda.
Ilmaha dugsiga xannaanadda maxay ka qabtaan?
Markii ilmaha ay dugsiga xannaanadda ku sugan yihiin, waxay helayaan fursad ay hormar ku samaayaan, aqoon ku kororsadaan iyagoo ciyaar-carruureed, halabuur iyo sahmin adeegsanayo. Maaddooyinka ilmaha la baro waxaa kamid ah xisaabta, cilmiga abuurka iyo luqadda iswiidishka. Wadajir carruurta kale way wada heesaan, wax rinjiyeyaan, qoob ka ciyaaraan, wada hadlaan ama wax wada qoraan.
Da`da dugsiga xannaanadda ilmaha ku bilaabaan waa tee?
Ilmaha waxay dugsiga xannaanadda bilaabi karaan laga bilaamo markii hal sano ay buuxsadaan.
Ubadkayga goorma ayaa boos dugsiga xannaanadda ugu dalban karaa?
Haddii aad wax barato, ama hab firfircoon shaqo u raadsato ama fasaxa waalidiinta qaadatay, waxaa ubadkaaga boos ugu codsan kartaa dugsiga xannaanadda. Ubadkaaga waxaa kaloo boos lagu siin karaa sabab la xiriirta xaalad jireed ama nafsiyeed, xaalad qoyseed ama haddi cunugga u baahan yahay taageero gaar ah oo u horumar ku sameeyo.
Haddii ilmahayga aynan ku hadlin af-iswiidishka ma tegi karaan dugsiga xannaanadda?
Haa, hawlwadeneyaasha dugsiga xannaanadda waxay khibrad u leeyihiin qaabilaadda ilmaha ku hadla luqado kala duwan. Ilmaha si fudud ayay luqado kala duwan u bartaan. Dugsiga xannaanadda waxay ilmaha ka bartaan luqadda iswiidishka, laakin xitaa taageero ayay afkooda hooyo ku heli karaan.
Kharashka dugsiga xannaanadda waa intee?
Kharashka dugsiga xannaanadda wuxuu ku salaysan yahay daqliga qoyska. Markii ubadka boos dugsiga xannaanadda ugu dalbanaysaan waa in labada waalid ay soo gudbiyaan xogta daqligooda, haddii kale waxaa dhici karto in ay bixiyaan kharasha aan sax ahayn.
Ma la heli karaa dugsiga xannaanadda oo lacag la`aan ah?
Haa. Dhammaan ilmaha dalka Iswiidan ku nool, waxay xaq ku leeyihiin dugsiga xannaanadda dadwaynaha oo lacag la`aan ah, fursadda waxay ilmaha heli karaan laga bilaabo xilliga dayrta oo ay buuxsadaan 3 sano. Ilmaha waxay dugsiga xannaanadda dadwaynaha oo lacag la` aanta ku sugnaan karaan 15 saacadood toddobaadkii. Ilmaha waxay dugsiga xannaanadda fasax ka yihiin markii dugsiyada biloowga/hoose/dhexe ay xiran yihiin. Ilmaha waxay ku sugnaan karaan dugsiga xannaanadda dadwaynaha xitaa haddii xilhaayeha xannaanadda/waalidka usan shaqayn, wax baran ama hab firfircoon usan shaqo u raadsan.
Ubadkayga dugsiga xannaanadda ma u xulan karaa?
Maya, laakin markii boos aad dalbanayso, waxaad kala codsan kartaa ilaa shan iskuullada xannaanadda oo kala duwan. Maamulka magaalada Malmö wuxuu markii u ku meelaynta ku dhaqaaqayo ka talaaba qaada adreeska cunugga u ka diiwan gashan yahay.
Ilmaha itaaldarro la dhiban ma tegi karaan dugsiga xannaanadda?
Haa. Sidii cunugga loo siiyo fursadda booska aad ugu habboon awgeed, waxaa muhim ah inaad aqoon fiican u leedahay baahida ubadkaaga u gaarka ah. Codsiga ku soo lifaaq warqad aad ka warbixinayso xaaladda ubadka iyo baahida taageerada u gaarka ah. Waa inaad ku soo lifaaqda wixii cadaymo ah oo laga siiyay goobaha daryeelka bukaanka iyo hay`adaha kale, kuaaso lagu xaqiijinayo baahida ubadkaaga u gaarka ah. U soo dir: Förskoleförvaltningen 20580 Malmö.
Su`aallo ku saabsan dugsiga xannaanadda miyaa na waydiin lahayd?
Xaaladdaas booqo, wac ama a-mail Xarunta xiriirka ee Dowladda hoose Malmö u soo dir (iswiidhish iyo Ingiriis).
Taleefan: 040-34 10 00
Saacadaha taleefan soo dirida waa: Isniin-jimce 08.00–17.00
E-mail: malmostad@malmo.se
Sidan senast uppdaterad: