$left
$middle

Markaadadiga kuag nooli aad sidoo kale u baahan tahay waxoogaa taageero iyo caawimo ah - Taageerada qaraabada ee magaalada Malmö (Somali)

Ma waxa aad la nooshahay, ama aad taageereysaa xubin qoyska ka mid ah ama saaxiib, qof weyn ama qof yar, kaas oo laxaad la'aan, xanuun ama dhibaatada wax si qalad/xun u isticmaalidda darteed taageero ugu baahan? Si loo awood in taas la sameeyo, ayaa mararka qaar adiga naftaadu u baahan kartaa taageero.

Waxaad noqon kartaa xubin qoyska ka mid ah ama qof qaraabo ah, laakiin waxa aad sidoo kale noqon kartaa saaxiib ama qof deriska ah. Markii aad ku nooshahay qof aan keligiis maareyn karin nolol maalmeedkiisa, ayaad annaga naga heli kartaa caawimo.

Marka aad qaraabo/ehel la tahay ayaad adigu dooran doontaa sida aad uga qeybqaadaneyso daryeelka qofka kugu dhow. Qeybta qaraabada waa in lagu saleeyaa tabaruc ahaan. Masuuliyadda guud ee daryeelka iyo xannaanaynta qofka qaraabadaada ah waxay saaran tahay kamuunka.

Macluumaad iyo tabobar/waxbarasho

Waxa jirta fursad aad kaga soo qeyb galeyso shirarka macluumaadka lagu kala qaadanaayo oo aad ku hesho tabobar/waxbarasho ku saabsan arrimaha kala duduwan ama cudurrada haddii aad adiga qaraabada la ahi aad u baahan karto ama aad rabto inaad ogaato. La xiriir magaalada Malmö markaas ayaad caawimo ka heli doontaa inaad wax saxda ah hesho.

Taageerada wadahadalka

Haddii aad ubaahan tahay qof aad la hadashid, ayay jirtaa taageero wadahadalka oo laga helaayo magaalada Malmö. Taasi waxa noqon kartaa mid koox ahaaneed ama mid kali kali ah. Mararka qaarkood ayaa wada hadalku uu noqon karaa in
dhacdooyinka maalinlaha ah qof xaaladaad oo kale ku jira lala wagaago. Mararka kale waxa loo baahan yahay wadahadal ka qoto dheer oo qol lagu sameeyo halkaas oo fikradaha iyo su'aalaha adag lagu soo qaado. Waxa sidoo kale jira kulamo loo wada dhan yahay oo furan kuwaas oo ka dhacaaya goobaha kulamadda.

Baddelid/Ka nasin

Qof walba wuxuu marmarka qaar u baahan yahay inuu waqti isaga u gaar ah helo, si uu ugu nasto ama waxqabadyo ugu sameeyo. Tusaale ahaan, waxa aad adiga qof guriga ku taageeraya aad heli kartaa in guriga lagaaga nasiyo. Waxa sidoo kale jira meelo qofka aad adigu caawineyso uu joogi karo mararka qaarkood ama in ka sii badan/joogto ahaan. Ka nasintu waa lacag la'aan ilaa 12 saacadood bishii, waxaana laga dalbadaa kaaliyaha. 

Sida ay u shaqeyso

Magaalada Maalmo, waxa jira dad ka shaqeeya in ay bixiyaan macluumaad, talo iyo taageero la siiyaan qofka taageera, caawiya ama daryeela qof. Waxay kaa caawin karaan helitaanka meelaha ku haboon ee lala xiriiraayo si loogu helo kaalmo ama adeegga iyo qof aad la hadli karto.

Waxa aad adigu sidoo kale waxyaalaha ku saabsan taageerada qaraabada ka akhrisan kartaa bogga magaalada Malmö ee.

Waxa Cutubka 5-aad Qeybta 10-aad ee Sharciga Adeegyada Bulshada uu dhigayaa: "Qofka daryeelaaya ama taageeraaya qof qaraabo ah: Guddiga qaabilsan arrimaha bulshadu (Socialnämnden) waa inay bixisaa taageero loogu fududeynaayo dadka daryeelaaya qof qaraabo ah oo muddo dheer xanuunsan ama waayeelka ah ama taageeraaya qof qaraabo ah oo naafo ah."

Taageerada la siinaayo qofka caawinaaya ama daryeelaaya qof waa inay ahaato mid ku salaysan baahiyaha aad adigu u qabto xaaladdaada iyadoo loo maraayo waxqabad ama adeeg inuu keeno heer nolosha oo macquul ah iyo fursado lagu helaayo nolol madax bannaan. Gargaarka la qiimeeyey ee waxqabadka waxa laga dalbanayaa kaaliyaha kamuunka. Adeega aad heli karto iyadda oo aan wax baaritaan/eegitaan ah lagu sameynin.

Taageerada qaraabada ee magaalada Malmö

E-maylka: anhorigstod@malmo.se

Hälsa-, vård- och omsorgsförvaltningen:
Äldre, vuxna med fysisk funktionsnedsättning och vuxna med somatisk sjukdom.
Anhörigkonsulenter
040–34 52 17
040–34 49 31
040–34 63 84

Funktionsstödsförvaltningen:
Socialpsykiatri
Anhörigkonsulent
040–34 72 56
0708–34 13 09

LSS
Anhörigkonsulent
0729–61 36 39

Arbetsmarknads- och socialförvaltningen:
Öppenvårdshuset Gustav (missbruk/beroende)
040–34 91 90

Maria Malmö (missbruk/beroende unga)
040–33 71 70

so