$left
$middle

Warbixin ka socota magaalada Malmö oo ku saabsan daryeelka iyo xannaanada degmada (Somali)

Marka aad adigu gaboowdo ama aad jirato waxaad inta badan u baahanaysaa in caawimo lagu siiyo maalmaha caadiga ah. Markaa waxa adiga lagu siinayaa caawimada aad u baahan tahay ee aad xaqa u leedahay. Wadanka Iswiidhan waxa adiga caawimada aad u baahan tahay ee aad xaqa u leedahay ku siinaysa degmada. Wixii caawimo ah waxaad ka raadsanaysaa degmada. Degmadu baaritaan ayey samaynaysaa kadibna iyaga ayaa go’aaminaya caawimada lagu siinayo adiga.

U adeegida dadka gaboobay (Hemtjänst)

Marka aad adigu gaboowdo waxaad sii deggenaanaysaa gurigaaga ilaa iyo inta aad adigu rabto. In adiga guriga laguugu adeego macnaheedu waxa weeye qof ayey degmadu gurigaaga kuugu soo diraysaa si uu adiga kaaga caawiyo waxyaabo kala duwan. Kaalmo ayaa adiga lagu siinayaa waxana lagaaga caawinayaa si aad gurigaaga ugu nagaato ama u sii deggenaato.

Guriga waxa adiga lagaaga caawinayaa:

  • dharka oo laguu geliyo ama lagaa bixiyo
  • qobeyska
  • nadaafada
  • dhar dhaqida
  • adeegida cuntada
  • in lagu soo lugeysiiyo
  • booqashooyinka sida rugta caafimaadka
  • alaarmka ammaanka
  • daawooyinka oo lagu siiyo

Sidee ayaa adiga guriga laguugu adeegikaraa?

Haddii aad adigu tahay qof weyn oo gaboobay oo raba in guriga loogu adeego waxaad la hadlaysaa qof ka shaqeeya degmada oo bixiya kaalmada dhaqaale. Waxaad wacaysaa rugta xiriirada lambarka telefoonkiisu yahay 040-34 10 00. Waxaad ku tiraahdaa waxaan rabaa inaan la hadlo qof
qaabilsan kaalmada dhaqaalaha (biståndshandläggare) ee la bixiyo.

Waxaad u sheegaysaa meesha aad deggen tahay iyo inta ay da’daadu tahay. Rugta xiriirada ayaa qofkii saxda ahaa kugu xiraya. Waxaad kaloo u
dirikartaa iimeyl malmostad@malmo.se. Waxaad u sheegaysaa caawimada aad u baahan tahay waxa ay tahay. Caawimada lagu siinayo waxa qo’aaminaya qofka qaabilsan kaalmada dhaqaalaha.

Adiga iyo shaqaalaha guriga kaa caawinaya ayaa siwadajira u go’aaminaya marka aad rabto inay guriga kuugu yimaadaan iyo sida ay iyagu kuu
caawinayaan adiga. Waxa laguu samaynayaa qof si aad u weydiiso waxa
aad u baahan tahay marka aad rabto inaad ka hadasho edeega guriga
laguugu samaynayo. Caawimada lagu siinayo waxaad ka bixinaysaa kharash oo waa lacag. Kharashka aad bixinaysaa waxa uu ku xidhan yahay inta
aad lacag haysato.

Daryeelka caafimaadka guriga (Hemsjukvård)

Gurigaaga ayaa lagugu siinkaraa daryeelka caafimaadka. Waxa la yiraahdaa daryeelka caafimaadka guriga. Daryeelka caafimaadka guriga waxa ka
shaqeeya kalkaaliyeyaal caafimaad, dadka qaabilsan inay daaweeyaan
cudurada jirka iyo kuwa maskaxda (arbetsterapeuter) iyo kuwa qaabilsan
masaajada iyo duugida xubnaha jirka (sjukgymnaster/fysioterapeuter).

Daryeelka caafimaadka guriga waxa lagu siinayaa marka aanad adigu
iskaa isu deberikarin ama iyada oo lagu caawinayo aanad aadikarin rugta
caafimaadka (vårdcentralen).

Sidee ayaa adiga laguu siinayaa daryeelka caafimaadka guriga?

Haddii aad codsanayso daryeelka caafimaadka guriga waxaad wacaysaa rugta xiriirka degmada lambarka telefoonka ee 040-34 10 00.
Iyaga ayaa markaa kugu xiraya qofkii saxda ahaa.
Sidoo kale waxaad iimeyl u dirikartaa malmostad@malmo.se.

Guryaha daryeelka dadka (Vårdboende)

Haddii aanad deggenaankarayn gurigaaga waxa lagu geynayaa guryo dadka lagu hayo oo lagu daryeelo. Guryaha daryeelka dadka waxa la geeyaa qofka u baahan caawimo badan iyo daryeel caafimaad oo badan.

Guryaha daryeelka dadka waa guri weyn oo dabaq ah ka kooban guryo badan. Waxa kale oo uu leeyahay qol weyn oo cuntada lagu cuno iyo qol fadhi ah. Guryaha daryeelka dadka guri ayaa adiga lagaa siinayaa.
Gurigu lagu siinayaa wuxuu ka kooban yahay hal qol iyo meel lagu qobeysto iyo musqul.

Guryaha daryeelka dadka waxa markasta jooga shaqaale.
Shaqaaluhu waxay shaqeeyaan maalintii, habeenkii iyo saqda dhexe.

Sidee ayaa adigu samaynaysaa haddii aad rabto inaad u guurto guryaha daryeelka dadka?

Haddii aad adigu rabto in aad u guurto guryaha daryeelka dadka waxaad
u sheegeysaa qofka qaabilsan kaalmada dhaqaale. Waxaad wacaysaa rugta xiriirka degmada telefoonka lambarkiisu yahay 040-34 10 00. Waxaad u sheegtaa inaad rabto inaad la hadasho qofka qaabilsan kaalmada dhaqaale.

U sheeg meesha aad adigu deggen tahay iyo inta sannadood ee aad jirto. Rugta xiriirka degmadu waxay kuu gubinayaan qofkii saxda ahaa.
Sikoo kale iimeyl ayaa u dirikartaa malmostad@malmo.se.
Qofka qaabilsan kaalmada dhaqaale ayaa go’aaminaya in lagu geeyo
guryaha daryeelka dadka.

Caawimada lagu siinayo waxaad ka bixinaysaa kharash oo waa lacag. Kharashka aad bixinaysaa waxa uu ku xidhan yahay inta aad lacag haysato. Kharashka waxa ku jira kirada guriga, cuntada iyo daryeelka caafimaadka.

Meherada maalmaha – quseyso dadka qabo cudurka demens (Dagverksamhet)

Meherada maalmaha waxaa loogu talagalay adiga oo qabo cudurka demensiga. Meherad maalmaha waxyaabo baa si wada jir u wada suubin. Anaga tusaale ahaan waxaan isla wada dhageysan muusig, tartamo ciyaareed, qoraalo ereyo isla xalin, joornaal isla akhrisan, tababar jir isla suubin ama bannaanka ku soo wada lugeyn. Marmar dalxiis baa isla wada aadi. Waan isla wad quraacan, qadeyn iyo isla wada shaaheyn.

Meherada maalmaha oo la dhaho Club Cefalon waxaa loogu talagalay adiga oo qabo cudurka la dhaho demens iyo da’diisa ka yartahay 66 sano. Goobta oo Club Cefalon anaga waxyaabo si wada jir u wada suubinaa. Anaga waxaa dalxiis u aadnaa matxafyo kala duwan iyo u baxaynaa dhulka miyiga, dabaal, wax sawirid, muusig, tartamo ciyaar.

Miyaa dooni inaa ka soo qeybgashid meherada maalmaha?

Soo wac telefoon lambarka guud oo degmada oo ah 040-34 10 00.
Ku dheh inaa dooneysid inaa la hadashid shaqaalaha u adeegida bulshada (biståndshandläggare). Haddii aad dooneysid waxaa xita e-mail usoo dirikarta malmostad@malmo.se.

Wehelin, guriga lagugu kaalmeyn iyo qof xiriir kula lahaado

Wehelin (Ledsagning)

Marka aad u baahantahay kaalmo xilliyada aad bannaanka u baxeysid waxaa soo codsankarta qof wehelin ahaan kula joogo. Qofka wehelin ahaanta kuula joogo wuxuu kuu raacikara maqaayad ama biibito, dhar soo gadasho, tababarid, kula tago goobaha la iskugu imaado ama shaleemo iyo goobta riwaayidaha lagu dhigo.

Guriga lagugu kaalmeyn (Avlösning i hemmet)

Marka adiga aad daryeeleysid qof aad iskugu dhawdihiin, tusaale ahaan qof qoyskaada kamid ah ama saaxiib, adiga waxaa degmada ka helikarta caawinaad oo guriga lagugu kaalmeeyo. Marka adiga daryeeleysid qof aad wax isku tahiin adiga marmar waxaad u baahantahay wakhti aad ku nasatid ama waxkale ku qabsatid. Degmada caadiyada waxey kugu caawin gurigaada. Waxaa xita suurtagal ah in xaafada lagu soo lugeeyo.

Qof xiriir kula lahaado (Kontaktperson)

Haddii adiga ama qof aad garaneysid u baahanyahay kaalmo iyo caawinaad oo dadkale xiriir kula yeesho, waxaa jirto fursad aad ku soo codsankartid qof xiriir kula lahaado.

Miyaa dooneysaa wehelin, kaalmeynta guriga ama qof xiriir kula lahaado?

Soo wac telefoon lambarka guud oo degmada oo ah 040-34 10 00.
Ku dheh inaa dooneysid inaa la hadashid shaqaalaha u adeegida bulshada. Haddii aad dooneysid waxaa xita e-mail usoo dirikarta
malmostad@malmo.se.

Adiga oo ehelka ah waxaa helikarta kaalmo

Adiga oo caawin, kaalmeyn ama la nool qof aan kaligiis isku filneen waxaa tahay ehel. Ehel waxaa ahaankaro qof qoyska kamid ah, qaraabo ama saaxiib aad isku fiicantahiin.

Adiga oo ehel ah waxaa kaalmo iyo caawinaad ka helikarta degmada.
Adiga waxaa la soo xiriirikarta shaqaalah la taliyaha ehelka (anhörigkonsulent) oo ka heleysid lambarka guud 040-34 10 00
ama e-mailka: malmostad@malmo.se.

Meelaha lagu kulmo (Mötesplatser)

Meelaha laysugu yimaado waxaad kula kulmikartaa dad kale. Meelaha laysugu yimaado siwadajir ah ayaa waxaanu u samaynaa waxyaabo kala duwan. Meesha laysugu yimaadaa waa qol weyn oo ay degmadu leedahay.
Waa lagu shaaheeyaa, wax ayaa la sawiraa, jimicsi ayaa lagu sameeyaa, xafladaha ayaa lagu qabsadaa, ciyaaro ayaa lagu ciyaaraa sida khamaarka oo kale ama turubka. Waxaanu dhegeysanaa markay dadku noo yimaadaan oo ay muusiga noo tumaan ama ay noo heesaan. Marmar waa lays raacaa oo booqashooyin ayaanu samaynaa ama makhaayada ayaa cunto laga soo cunaa. Adiga ayaa keligaa dooranaya waxa aad samaynayso marka aad timaado meelaha lagu kulmo. Saaxibo cusun ayaad ka samaysankartaa meelaha laysugu yimaado. Waa bilaash meelaha laysugu yimaadaa oo lacag ma aha.

Meelaha laysugu yimaado waxaad ka gadankartaa qaxwe ama shaah iyo keeg/doolshe. Meelaha laysugu yimaado waxa ku yaala makhaayad waxaanad halkaa ka gadankartaa oo aad ku cunikartaa qado.

Waxa jira meelo badan oo lagu kulmo meelo kala duwan ayey Malmö kaga yaalaan. Meelaha ay dadka da’da gabay ku kulmaan waxay dhammanntood furan yihiin isniin ilaa jimce maalintii. Meelaha lagu kulmo ee leh makhaayada waxay iyaguna furan yihiin sabtida iyo axada wakhtiga qadada.

Xagee ayey Malmö kaga yaalaan meelahaas lagu kulmaa?

Haddii aad adigu rabto inaad oggaato meesha kuugu dhow halka
ay ku taalo. Annaga ayaad naga soo wacaysaa telefoonka 040-34 10 00.
Waxaad kale oo ka akhrisan kartaa meelaha lagu kulmo bogga internetka ee degmada www.malmo.se/motesplatserforseniorer.

es