Malmö stad
$left
$middle

Taageero loogu talagalay qofka adigoo kale ah oo fal dambiyeed loo geystay

Xarunta dhibaneyaasha dambifallada iyo dhexdhexaadinta, waxaa laga helaa taageero wadahadal ku salaysan iyo dib u habaynta qalalaashaha, kuwaasoo loogu talagalay qofka adigoo kale ah oo fal dambiyeed loo geystay, markhaati ka ahaa dhacdada fal dambiyeedka, ama ah qaraabada qof fal dambiyeed loo geystay. Si kastaba ha ahaate waad noola soo xiriiri kartaa iyadoo fiirogaar aan la siin haddii ciidanka booliska aad wargelisay iyo in kale.

Waxaa nalaga helaa

  • taageerada loogu talagalay dadka fal dambiyeed loo geystay, kaasoo faleha u yahay qof qaraabo ama qof aan la garanayn
  • taageerada markhaatiyaasha iyo qaraabada loogu talagalay
  • maaraynta degdegga ee qalalaashaha iyo dib u habayntooda kuwaasoo ku salaysan xiriir wadahadal oo gaagaaban
  • wadahadal ku saabsan halista iyo is ilaalinta
  • warbixin ku saabsan taageerada xilliga cadaalada
  • hagid iyo caawinaad xiriir la leh sidii xiriir loola yeelan lahaa hay´adaha maamula arrimaha dhibaneyaasha dambifaleyaasha
  • talo iyo taageero xiriir la leh macnaha wargelinta ciidanka booliska.

In siyaabo kala duwan looga falceliyo

Dhibanaha fal dambiyeedka wuxuu caadi ahaan la kulma dhibaatooyin, sida tusaale hurdo la`aan, hoos u dhaca rabitaanka cuntada, ama in u dareemo dareen amni la`aan iyo cabsi. Dadka oo idil siyaabo kala duwan ayay u fal celiyaan, laakinse falcelis kasta waa caadi. Anagu heegan ayaa ku nahay in aan ku caawinno iyadoo fiirogaar aan la siinin qaabka falcelintaada.

Nala soo xiriir

Centrum för brottsutsatta och medling

E-mail: brottsutsatt.asf@malmo.se
Tal: 040-34 92 92

Saacadaha taleefan soo dirida:

Måndag, onsdag och torsdag klockan 09.00–16.00. Tisdag klockan 09.00–18.00. Fredag klockan 09.00–14.00. Lunchstängt varje dag klockan 12.00–13.00.

Övrig tid, kontakta social jour på 040-34 56 78. De har öppet vardagar klockan 16.00–08.00, lördag, söndag och helgdag kan du ringa dygnet runt.

Vid livshotande situation, kontakta polisen.

Sidan senast uppdaterad:

so