$left
$middle

Xiriir ammaan leh - oo ka madax bannaan gacan ka hadalka (somaliska)

Waxaanu rabnaa inuu caafimaadkaagu wanaagsanaado

Adigu waxaad tahay qof dhibbane ka ah dembiga baaris lagu samaynayo oo ka dhan ah gacan ka hadal dad xiriir dhow isu leh. Baaritaanku wuu socdaa, adigana waanu ka welwelsanahay. Waxaanu ku siin karnaa ilaalin, taageero iyo caawimo.

Kaligaa ma tihid Dad badan oo la nool dad ay qaraabo dhow yihiin ayuu gacan ka hadal ka dhex dhacaa Rabshadu/gacan ka hadalku wuxuu saameeyaa qoyska oo dhan, carruurta, iyo asxaabta ku xeeran. Dabeecadda dembiga iyo gacan ka hadalka ka dhexeeya dadka xiriirka dhow isu leh waa tusaale ahaan, hanjabaada, garaacida/dilka, laadka/darbada, riixida, xakamaynta, kufsiga, dhibaataynta galmada, xadgudubka, daba-galka ama waxyeellaynta hantida lammaanahaaga.

Xiriir aamin leh - oo ka madax bannaan gacan ka hadalka waa wadashaqayn dhexmarta booliiska, adeegga bulshada ee Malmö iyo Daryeelka dembiilayaasha

Waxaynu ka wada shaqaynaynaa sidii aynu u joojin lahayn gacan ka hadalka dadka qaraabada dhow isu ah.

  • Uma dulqaadanayno gacan ka hadalka.
  • Ma doonayno in dadka qaraabada dhow isu ah ay waxyeello soo gaarto.
  • Ma doonayno inay carruurtu ku koraan qoys ay rabshado ka dhex jiraan.
  • Waxaa jira caawinaad la bixiyo.

Waxaanu annagu halkan u joognaa adiga oo waxaanu ku siinaynaa caawimada aad u baahan tahay si aad si badbaado leh ugu noolaato.
Waxaanu ku siin karnaa taageero wada hadal, caawimo si looga shaqeeyo dhibka ku soo gaaray, la-talin dhinaca qoyska ah, ka caawinta balwadda, hoyga iyo dhaqaalaha iyo ilaalin/gabaad xaalad degdeg ah kugu timaada.

Waxaanu la xiriirnay ururada ku xeeran Malmö oo iyaguna bixiya caawimo.

Dadku dhammaantii waxay rabaan in la joojiyo gacan ka hadalka!

Mas'uuliyadda joojinta gacan ka hadalka wuxuu marwalba xilkaasi saaran yahay qofka gacanta geysanaya.
Booliisku hadda waxay xooga saareen qofka looga shakisanyahay inuu dembiga kaa galay adiga. Isla markaa waxaanu annagu sidoo kale qofka siinaa caawimo.

Na soo wac - adiga ayaanu kuu joognaa!

Habeenkii iyo maalintiiba waanu ka jawaabaynaa

Degdeg, gacan ka hadal hadda taagan,

Wac 112

Talo ama soo sheegid dambi

Wac booliiska 114 14

Talo ama codsi ku saabsan caawimo

Wac adeegga arrimaha bulshada 040-34 69 00

Khadadka taageerada ee dadka loo geystay gacan ka hadalka

Khadka ilaalada haweenka 020-50 50 50

Khadka taageerada ragga 020-80 80 80

Khadka taageerada dadka jinsigoodii beddeley (transpersoner) 020-55 00 00


Xiriir ammaan leh - oo ka madax bannaan gacan ka hadalka pdf

so