$left
$middle

Taageero loogu talagalay waalidiinta ilmaha goobo kale lagu meeleeyay

Rugta Taageerada Waalidiinta ee Malmö Föräldrastöttan Malmö waxaa loogu talagalay waalidiinta ilmahooda goobo kale lagu meeleeyay. Markii ubadkaaga usan kula noolaan karin, waxaad sida hadba sharciga ku xusan waalid ahaan xaq ku leedahay taageero. Laakin go`aanka xiriir noola yeelashada iyo mudadda aad noola yeelan doonto adiga iska leh.

Noolasha ubadkaaga qof muhim ayaa tahay. Anaga waxaa nalaga xaajoon kartaa xaaladda aad ku sugan tahay, waxaana naga heli kartaa caawinaad wax ku ool ah oo aad ku maarayso xaaladda aad ku sugan tahay.

Xiriir nala yeelashada waa lacag la`aan. Waxaan tixgelinna waajibka qarsoodida, mana qorno wax xasuus qor ah. Maadaama aad tahay qof waalid danahaaga ayaa u hogaansanaa. Haddii loo baahdo waxaan adeegsanaa qof turjubaan ah.

Waxaad naga heli doonaan

  • fursad kaga sheekaysaan dareenada culus aad dareemaysaan, sida murugta, is-eedayn iyo ceeb
  • taageero lagu helo xeelado lagu maareeyo niyad-jabka
  • taageero aad xiriir kula yeelato ubadkaaga ugu-na muujiso inaad weli tahay waalidkiisa
  • taageero wadashaqayn maamulka hoyga qoysaska, oo ah hoyga u ubadkaaga ku meelaysan yahay
  • warbixin iyo caawinaad dhinaca xuquuqda sharciyeed iyo waajibaadyada
  • caawinaad dhinaca aqoon u yeelashada qaabka hay`adaha dowlada u shaqeeyaan
  • caawinaad in lagu faham siiyo ereyada ku qoran gundhigga go`aanka iyo xog waramada kale
  • taageero isku diyaarin, hirgelin iyo tixraacid kulamada arrinta ubadkaaga looga arrinsaday.
  • Anagu waxaan nahay dhinac dhexdhexaad ah. Kuma dhaqaaqno qiimaynta doorka waalidnimadaada, wax saamayn ah kuma yeelano go`aanada hay`adaha dowladda ay gaaraan. Waxaan ku noqon karnaa taageero markii aad yeelanayso kulamo kala duwan oo xiiir la leh arrimaha ubadkaaga, laakin goobjoog ma ni hi markii aad ubadkaaga la kulmayso.

Xitaa haddii aadan garanayn af-iswiidishka waad noola soo xiriiri kartaa, waayo waxaa is-afgarashada naga caawini doono qof turjubaan ah.

Kontakta oss

Föräldrastöttan Malmö

Telefontider:
Måndagar–fredagar. Om vi inte svarar, lämna ett meddelande på telefonsvararen.
so