$left
$middle

Xiriir ammaan leh - oo ka madax bannaan gacan ka hadalka (somaliska)

Waxaanu rabnaa in qoyskaaga caafimaadkiisu wanaagsanaado

Qof ayaa ka welwelsan inuu gacan ka hadal ka/rabshado ka dhex dhacaan qoyskiina/qaraabadiina, waana sababta ay booliisku gurigiina ugu yimaadeen.

Kaligiin ma tihiin Dad badan oo la nool dad ay qaraabo dhow yihiin ayuu gacan ka hadal ka dhex dhacaa Rabshadu/gacan ka hadalku wuxuu saameeyaa qoyska oo dhan, carruurta, iyo asxaabta ku xeeran. Dabeecadda dembiga iyo gacan ka hadalka ka dhexeeya dadka xiriirka dhow isu leh waa tusaale ahaan, hanjabaada, garaacida/dilka, laadka/darbada, riixida, xakamaynta, kufsiga, dhibaataynta galmada, xadgudubka, daba-galka ama waxyeellaynta hantida lammaanahaaga.

Xiriir aamin leh - oo ka madax bannaan gacan ka hadalka waa wadashaqayn dhexmarta booliiska, adeegga bulshada ee Malmö iyo Daryeelka dembiilayaasha

Waxaynu ka wada shaqaynaynaa sidii aynu u joojin lahayn gacan ka hadalka dadka qaraabada dhow isu ah.

  • Uma dulqaadanayno gacan ka hadalka.
  • Ma doonayno in dadka qaraabada dhow isu ah ay waxyeello soo gaarto.
  • Ma doonayno inay carruurtu ku koraan qoys ay rabshado ka dhex jiraan.
  • Waxaa jira caawinaad la bixiyo.

Waxaanu halkan u joognaa adinka waxaanu idin siinaynaa caawimada aad u baahan tihiin si aad si badbaado leh ugu noolaataan xiriirkiina iyo qoyskiina oo rabshadaha/gacan ka hadalka ka madax banaan. Waxaanu bixinaa talooyin qoyska ku saabsan, taageero wada hadal, ka caawinta balwadda, hoyga iyo dhaqaalaha. Waxaanu siinaa dadka ilaalin/gabbaad xaaladaha degdeg ah.

Waxaanu la xiriirnay ururada ku xeeran Malmö oo iyaguna bixiya caawimo.

Na soo wac - idinka ayaanu idiin joognaa!

Habeenkii iyo maalintiiba waanu ka jawaabaynaa

Talo ama soo sheegid dambi

Wac booliiska 114 14

Talo ama codsi ku saabsan caawimo

Wac adeegga arrimaha bulshada 040-34 69 00

Khadadka taageerada ee dadka loo geystay gacan ka hadalka

Khadka ilaalada haweenka 020-50 50 50

Khadka taageerada ragga 020-80 80 80

Khadka taageerada dadka jinsigoodii beddeley ( transpersoner) 020-55 00 00

Khadka taageerada qofka geysta rabshadaha/gacan ka hadalka

Dooro inaad joojiso 020-555 666

Xiriir ammaan leh - oo ka madax bannaan gacan ka hadalka pdf

so