$left
$middle

Xiriir ammaan leh - oo ka madax bannaan gacan ka hadalka (somaliska)

Waxaanu rabnaa inuu caafimaadkaagu wanaagsanaado

Waanu kaa welwelnanahay maadaama adiga lagaaga shakisanyahay inaad gacan ka hadal u geysatay dad aad xiriir dhow leedihiin Waxaanu ku siinaynaa caawimo iyo taageero si aad u bedesho dabeecadaada.

Kaligaa ma tihid Dad badan oo la nool dad ay qaraabo dhow yihiin ayuu gacan ka hadal ka dhex dhacaa Rabshadu/gacan ka hadalku wuxuu saameeyaa qoyska oo dhan, carruurta, iyo asxaabta ku xeeran. Dabeecadda dembiga iyo gacan ka hadalka ka dhexeeya dadka xiriirka dhow isu leh waa tusaale ahaan, hanjabaada, garaacida/dilka, laadka/darbada, riixida, xakamaynta, kufsiga, dhibaataynta galmada, xadgudubka, daba-galka ama waxyeellaynta hantida lammaanahaaga.

Xiriir aamin leh - oo ka madax bannaan gacan ka hadalka waa wadashaqayn dhexmarta booliiska, adeegga bulshada ee Malmö iyo Daryeelka dembiilayaasha

Waxaynu ka wada shaqaynaynaa sidii aynu u joojin lahayn gacan ka hadalka dadka qaraabada dhow isu ah.

  • Uma dulqaadanayno gacan ka hadalka dhexmara dadka qaraabada dhow isu ah iyo carruurta oo ay waxyeelo soo gaadho.
  • Waxaanu rabnaa adiga iyo dadka qaraabada dhow kuu ah inuu caafimaadkiinu wanaagsanaado oo aad ammaan noqotaan.
  • Waxaa jira caawinaad la bixiyo.

Mas'uuliyadda joojinta gacan ka hadalka wuxuu marwalba xilkaasi saaran yahay qofka gacanta geysanaya. Haddii aad doorato dabeecada gacan ka hadalka, booliiska iyo hay’addaha kale ayaa diiradda ku saaraya adiga. Dabeecada gacan ka hadalka waxaa ka dhasha cawaaqibyo. Booliisku waa hay'adda baaraysa dembiga.

Qaado caawimada aanu ku siinayno - nala soo xiriir annaga

Waxaanu kaaga caawin karnaa si aad u bedesho dabeecadaada iyadoo lagu siinayo taageero wadahadal iyo daaweyn.
Waxa kale oo aanu bixinaa caawimo ku saabsan balwadaha, hoyga iyo dhaqaalaha. Waxaanu la xiriirnay
ururada ku xeeran Malmö oo iyaguna bixiya caawimo.
Xiriir ammaan leh - oo ka madax bannaan gacan ka hadalka, adiga ayaa mudnaanta lagu siinayaa.

Na soo wac - adiga ayaanu kuu joognaa!

Habeenkii iyo maalintiiba waanu ka jawaabaynaa

Degdeg, gacan ka hadal hadda taagan,

Wac 112

Talo ama soo sheegid dambi

Wac booliiska 114 14

Talo ama codsi ku saabsan caawimo

Wac adeegga arrimaha bulshada 040-34 69 00

Khadka kaalmada

Dooro inaad joojiso 020-555 666

Xiriir ammaan leh - oo ka madax bannaan gacan ka hadalka pdf

so