$left
$middle

Falcelinta caadiga ah marka ay dhibaato timaado

Qofka ay la soo gudboonaato dhibaato weyn wuxuu dareemi karaa dareen xoog leh oo murugo, walwal, cabsi iyo carro. Wakhtiga ugu horeeya ayuu qofku dareemi karaa dareen aan macquul ahayn. Jirka qofka ayaa sameyn kara falcelin iyadoona ay wakhti badan ku qaadan karto inuu jirto soo dego. Dad qaar bay hurdadu ka xumaataa, iyagoona dareema walwal iyo walbahaar ama waxay dareemaan inay yihiin danbiilayaal iyo ceebeysanayaal. Dareenka ayaa noqon kara mid kacsan oo yimaada haddana taga. Waxa mararka qaar la dareemi karaa kalsooni. Waa caadi inuu qofku lumiyo feejignaanta, ay dhib ku noqoto qaadashada warbixinta iyadoona waxyaabo sida caadiga ugu sahlanaa – ay si kadisa u noqdaan kuwo adag oo dhib leh. Sidaa darteed waxaa muhim ah inuu qofku xilligaa si gooni ah ugu naxariisto naftiisa iyo jirkiisa si uu dib ugu helo dheelitir.

so