$left
$middle

Tallooyinka qofka ay dhibaatada soo wajahdo

  • Soo dhoweyso dadka badbaadada ku siinaya. Xataa xayawaanka guryaha lagu heysto ayaa muhim kuu noqon kara. Haddii ay adkaato inaad hesho dad aad ku dhowaato, isticmaal kanaalada dijitaalka si aad u hesho xiriir qoys, axsaab, saaxibo shaqo ama dad kale ee aad jeceshahay.
  • Samee dhaqdhaqaaq jirka dejiya. Waxaad tusaale ahaan isticmaali kartaa hababka nasashada iyo yoga. Dad badan oo qaba walaac xoog leh waxaa caawiya socodka lugta ah. Dhaqdhaqaaqyada kale waxay noqon karaan inaad aaddo bey’adda, dhageysato muusig, rinjiyeynta, shaqooyinka gacmaha, wax dubidda, abuurista ama wixii kalee adiga ku caawinaya. U fiirso howlaha adiga ku dejinaya oo aad badbaadada ku qabto, isku day inaad hordhiso howlahaa.
  • Isku day inaad waddo ruutiino qaasa, sida inaad lugeyso maalin kasta ama inaad quraac cunto mar kasta. Yaree shuruudaha culeyska kugu ah hadda. Caawimaad ka raadso dadka kale haddii aadan adigu awoodin.
  • La xiriir dadka aad ku kalsoon tahay una sheeg inaad hadda wakhti adag ku jirto. Haddii aad dareento inay caafimaadkaada wax u dhimeyso inaad ka hadasho wixi dhacay, xaddid goorta iyo sida aad uga hadasho. Waajib kaama saarna inaad dadkoo dhan wax kasta uu sheegto. Haddii ay kugu habboon tahay ku qor dareenkaada buug xusuus qora.
  • Xadid qaadashada waxyaabaha ku dhibaya. Tusaale ahaan wararka waxyaabaha dhaca ama inaad daawato fiidiyow ama ku celcelinta dhageysiga sheekooyinka waxyaabaha dhacay.
  • Haddii ay suura gal kuu tahay iska ilaali gaaridda go’aamada waaweyn ee nolosha ama inaad isbeddelo weyn ku sameyso noloshaada bilaha soo socda.
  • Xilliga uu yimaado culeyska waxa muhima inaad isi siiso wakhti iyo daryeel dheeri ah. U sheeg naftaada inaaney mar walba nolosha sidaan u adkaan doonin iyo inay shucuurtu iman karto isla markaana tagi karto. Ula dhaqan naftaada sida aad ula dhaqmi laheyd saaxiib aad aad u jeceshahay.
  • Haddii aad ka walwasho falcelintaada, aad leedahay xannuun jir ahaaneed ama aad u baahan tahay taageero ka duwan tan aad ka hesho dadka kugu xeeran, raadso markaa gargaar xirfadeed. Haddii aadan kalsooni u hayn gargaarka xirfadeed ee aad hesho, ka hadal taa ama iska beddel dhakhtarka, kalkaalisada caafimaad, dhakhtarka cilmi nafsiga ama la taliyaha. Caawimaad ka doono dadka kale haddii aad xaalad adag gasho.
so