$left
$middle

Ka fakar carruurta

  • Haddii ay carruur ku ag joogto waxaad gacan ka geysan kartaa ammaanada ilmaha ku jira xaaladda adag. Haqabtir baahida degdegga ee carruurta. Hubso inuu ilmuhu helo hurdo ku filan, si wanaagsan wax u cuno una cabo iyo inuu helo dhaqdhaqaaq jir oo ku filan.
  • Wakhti sii aad ku eegto ilmaha ugana jawaab su’aalaha si la taaban karo oo u qalanta da’da ilmaha.
  • Ka xaddid carruurta waxyaabaha cabsida u keena, wararka iyo sawirada xunxun ama ka hadalka wax dhacay.
  • Laabta ku qabo carruurta, soo qabo oo kordhi wakhtiga ay dhabtaada ku fadhiyaan.
  • La joog ilmaha si ay u fahmaan inaad halkaa iyaga dartood u joogto. Wax la samee carruurta; kubad la ciyaar, wax wada aqriya, ciyaara oo wax sawira.
  • Isku day inaad joogteyso ruutiinada inti aad ka karto marka loo eego xaaladda taagan, maadaama ay joogteyntu u taagan tahay sida ay caadiyan wax u dhacaan isla markaana ay muhim u tahay soo celinta degenaashaha iyo xasiloonida.
so