$left
$middle

Bogga waxbarashada cusub ee dayrta 2024

Bilawga sannad dugsiyeedka 2024/2025, maamulka dugsiyada hoose dhexe waxay u wareegi doonaa bogga cusub ee waxbarashada Unikum.

Unikum waa aalad dhijitaal ah oo qofka haysta daryeelka iyo mas'uuliyada sharciga ee ilmuhu uu si fudud ula socon karo ugana qaybqaadan karo waxyaabaha maalin kasta dhaca ee ku saabsan ilmihiisa, horumarka iyo waxbarashada dugsiga oo uu kala socon karo mobiiilka iyo kumbuyuutarka labadaba. Unikum waxaad ka heli doontaa qiimaynta ardayga, macluumaad ka imanaya macallimiinta iyo inaad ballan ku qabsan karto wada hadalka horumarka waxbarashada ee ardayga (utvecklingssamtal). Bogga waxbarashada ee Unikum ayaa fududayn doonta xidhiidhka ka dhexeeya dugsiga, dadka mas’uuliyiinta ah iyo ardayga.

Bogga waxbarashada Unikum wuxuu beddelayaa InfoMentor, taas oo ay macnaheedu tahay in qofka mas'uulka ahi aanu awood u yeelan doonin inuu galo InfoMentor laga bilaabo bisha agosto. Dukumentiga hadda jira ee ku jira InfoMentor waxaa loo wareejin doonaa Unikum.

Soo dejiso appka Unikum Familj adigoo isticmaalaya App Store ama Google Play si uu macluumaadka dugsigu si toos ah kuugu soo dhaco mobiilkaaga. Waxaad sidoo kale ka gali kartaa Unikum adigoo isticmaalaya websaydka Warbixin dheeraad ah iyo macluumaadka lagu geleyo waxaad ka heli doontaa malmo.se bisha agoosto.

Gal Unikum

Waxaad awood u yeelan doontaa inaad Unikum ku gasho Freja+ ama BankID laga bilaabo 15 agoosto.

Waa maxay Freja+?

Freja+ waa aqoonsi moobilka ah oo ay dawladu ansixisay, kaas oo loo isticmaalo aqoonsiga. Freja+ waxa loo isticmaali karaa aqoonsiga onlaynka ah si aad u gasho tusaale ahaan adeegyada elektarooniga ah ama sida aqoonsi caadi ah sida kaarka aqoonsiga caadiga ah.

Waa maxay BankID?

BankID-ga waxaad u isticmaashaa si aad isu caddayso oo laguu aqoonsado. Waxaad ku geli kartaa lambar qarsoodi ah, aqoonsiga wejiga ama faraha iyada oo ay ku xiran tahay waxa uu telefoonkaagu taageerayo iyo waxa aad adigu door bidayso.

so